Juve, Liverpool, Inter & kooxo kale oo isku haysta goolwale cajiib ah!

(Luhansk) 25 Maarso 2018 – Kooxaha Juventus iyo Inter ayaa ugu horreeya kooxo la sheegay inay daba socdaan qabtaha da’da yar ee reer Ukraine ee Andriy Lunin.

Goolwalahan 19-jirka ah ayaa haatan u safta kooxda Zorya Luhansk, balse bandhiggiisa ayaa soo jiitey kooxo fara badan oo reer Yurub ah, isagoo weliba Jimcihii saftay kulankiisii ugu horreeyay ee xulkiisa oo 1-1 la noqday Sucuudiga.

Sida ku qoran Gazzetta dello Sport, kooxaha Bianconeri iyo Nerazzurri ayaa saxiixisa xiisaynaya, balse waxay hardan kala kulmayaan kooxaha Liverpool, Red Bull Leipzig, Watford, Real Sociedad iyo Wolfsburg oo wada doonaya Lunin.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close