Gabar Guur u soo bandhigatay Mohamed Salah iyo laacibka oo siiyay JAWAAB cajiib ah

(Zurich) 25 Maarso 2018 Weerar yahanka Liverpool iyo xulka Masar ee Mohamed Salah ayaa la kulmay arin uusan filayn kulankii xulkiisu uu la ciyaaray jimcihii xulka qaranka Portugal.

Mohamed Salah ayaa gohaanka u dhiibay xulkiisa Masar, inkasta oo 2-gool loogu badalay, taas oo sababtay in xulku uu guul daro qaato.

Laakiin mid kamid ah gabdhihii daawanayay ciyaarta ayaa kor u taagtay Boor ay ku soo qortay “Ma i guursane Salah? Oo kubadd mawada ciyaarnaa”.

Kaamirooyinka garoonka ayaa soo qabanayay boorka gabadha reer Masar taas oo aad uga heshay wiilka ay isku dalka yihiin ee Mohamed Salah.

Gabadhii ayaa fursad u heshay inay la kulanto Salah, waxayna la gashay Sawir xusuus ah, waxayna si gaar ah uga codsatay inuu guursado iyada oo qoslaysa laakiin Mohamed ayaa ugu jawaab celiyay:

“Xaas ayaan leeyahay, mana anfacayso inaan guursado mid labaad”, Salah ayaana sidaas ku qanciyay gabadhii guurka ka dalbatay.

91136-صلاح-2

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close