Florentino Perez oo war farxad leh u sheegay taageerayaasha Real Madrid

(Madrid) 25 Maarso 2018 Madaxwaynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa si wayn uga farxiyay taageerayaasha kooxdiisa.

Florentino Perez ayaa ka hor yimid inuu kooxda ka tago tababare Zidane dhamaadka xiliciyaareed kaan sida ay baahisay Marca.

Madaxwaynaha Real Madrid ayaa sheegay in Zidane uu sii joogayo kooxda inta uu ka dhamaanayo qandaraaskiisa kaas oo dhacaya 2021.

Mugdi wayn ayaa la galiyay mustaqbalka tababaraha reer France bilowgii xiliciyaareed kaan markaas oo kooxdu ay gashay qaab ciyaareed liita.

Perez ayaa rumaysan in Zidane uu sii joogayo Real Madrid haddii uusan isagu dalban laga diro kooxda, wuxuuna soo afjaray wararkii sheegayay in tababaraha reer France uu ka tagayo Real dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close