DAAHA LAGA ROGAY: Ujeedada DHABTA ah ee uu Alexis Sanchez KALIGIIS maqaayadda tababarka wax ugu cuno oo la ogaaday! (Waa sheeko ka farxin doonta jamaahiira Man United)

(London) 25 Mar 2018.

Dhawaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Alexis Sanchez noqday GOONI ISU BUUS  ama uu iska GO’DOOMIYEY kooxda inteeda kale.

Waxaase ugu darneyd markii la shaaciyey in uu kaligii inta maqaayadda cunta ee xerada tababarka ku haro wax cuno meeshii uu saaxiibadii ku biiri lahaa.

Taas waxa ay walaac iyo dareen galisay jamaahiirta United balse hadda waxa ay ku farxi doonaan sababta dhabta ah ee uu sidaas u yeelo.

Qof aad ugu dhuun duleela umuuraha Red Devils ayaa sida ugu warramaya Daily Star……..

“Si joogta ah uu shaqo dheeri ah oo adag kuna qaadata 30 daqiiqo ayuu ku bartaa darbooyinka xorta ah/Free-Kicks iyo Darbooyinka/Shoots-ka marka lagu kala dareero xalqada guud ee tababarka kooxda.

“Marka uu soo qabeysto oo uu dharka badasho, inta badan saaxiibadiis wey dhammeyeen cuntada oo wey tageen.”

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close