Ciyaartoyda aad arkeyso kama Dhaawacna Gacmaha ee………

(China) 25 Maarso 2018. Barnaamijyada ka baxa TV yada dalka Shiinaha ayaa bishii Janaayo laga sii daayay in dowladda ay balan qaaday inay Mamnuuci doonto Shabada jirka lagu sameysto ee ‘Tattoos’.

Kubbada cagta ayayna iminka sheekadaa u soo gudubtay kaddib markiii la arkay ciyaartoyda xulka Shiinaha oo gacmaha ku xirtay Bantaajooyin iyagoo qarinaya Tottoos kulankii saaxiibtinmo ay la yeesheen xulka Wales uu uu ka tirsan yahay Bale isla markaana uu macallinka u yahay Ryan Giggs.

Warsidaha AS ayaa warinaya in isla Shuruucdii uu Shiinaha ku soo rogay dalkiisa iminka lagu dabaqay kubbada cagta iyadoo ciyaartooy badan oo Shiinaha lagu qasbay inay qariyaan shabadahooda kulankii Wales ee China Cup.

 As Gareth Bale scores, he fires past Gao Lin, whose arm is covered by patch

Wararka ayaa intaa ku daraya in Dagaalka lagula jiro Tattoos ka ay qeyb ka tahay ilaainta qiimaha dadka Shiineyska ah isla markaana sare loogu qaado caafimaadka.

Iminka, ganaaxa ayaa u muuqda in lagu xadiday oo kaliya ciyaartoyda xulka qaranka Shiineeska mana kala cadda in isla ganaxaasi lagu dabaqi doono heerka kooxaha ee horyaalka Shiinaha.

Ciyaartooy waa wayn oo Yurub ka timid ayaa ka ciyaarta Chinese Super League kuwaa oo leh Tattoos aad u muuqda.

 Chinese players sporting tattoos were forced to cover them with a patch

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close