Arsenal iyo Chelsea oo ku dagaalamaya saxiixa goolhaye Jan Oblak

(London) 25 Maarso 2018 Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa ku dagaalamaya saxiixa goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak.

Tababare Arsene Wenger ayaa safka hore ka dhigtay saxiixa Jan Oblak marka la fiiriyo liiska ciyaartoyda uu ka doonayo suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kaan sida ay baahisay Express.

Wenger ayaa doonaya in Jan Oblak uu keeno Emirates Stadium si uu ugu badalo Petr Cech oo ku jira xiliciyaareed aad u liita.

Qandaraaska Jan Oblak ee kooxda Atletico Madrid ayaa lagu burburin karaa adduun dhan 88 milyan oo Ginni, laakiin Arsenal ayaa loolan adag kala kulmaysa Blues.

Chelsea ayaa Jan Oblak ku aragta badalka Thibaut Courtois kaas oo hakiyay wadahadaladii heshiis kordhinta ee kooxdiisa isaga oo doonaya inuu dib ugu laabto horyaalka Spain.

Liverpool ayaa sidoo kale qayb ka ah xiisaha Jan Oblak uga imaanaya kooxaha Premier League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close