Tigidhadii Juventus-Real Madrid oo la wada jartay!

(Torino) 24 Maarso 2018 – Ciyaarta rubuc-dhamaadka ee Champions League ee dhexmaraysa Juventus iyo Real Madrid ee dhacaysa 3-da bisha Abriil ayaa la sheegayaa inay wada gadantay.

Lugta hore ayaa ku qabsoomaysa gegada Allianz Juventus Stadium iyadoo la sheegayo in aanu harin hal tigidhna oo ay horraanba dhamaysteen dadka xubnaha joogtada ka ah taageerayaasha Juve.

Taasi waxay ka dhigan tahay in taageerayaasha ugu badan ee u sacbin doona Juve ay kaliya noqon doonaan kuwa haysta tigidhada fasal-ciyaareedka oo dhan, kuwa xubnaha ka ah jamciyadda taageerayaasha kooxda iyo kuwa ku jira naadiga ay leeyihiin taageerayaasha rasmiga ah ee Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close