Jorge Sampaoli oo xaqiijiyay dhaawaca Messi (Ma ciyaari karaa kulanka Spain?)

(Barcelona) 24 Maarso 2018 Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Jorge Sampaoli ayaa xaqiijiyay in Lionel Messi uu qabo dhaawac kadib kulankii xalay ee talyaaniga.

Lionel Messi ayaa dhaawac uga maqnaa xalay xulkiisa Argentina kulankii ay guusha ka gaareen Talyaaniga, laakiin shaki ayaa ku jira inuu ciyaari karo kulanka xiga ee xulka Spain.

Jorge Sampaoli ayaa xaqiijiyay ciyaarta kadib in Messi uu dareemayay xoogaa xanuun ah taasna ay keentay inuusan qatar galin laacibka kooxda Bracelona.

Shaki ayaa laga muujinayaa in Messi uu ciyaari karo kulanka Spain, laacibka qudhiisa ayaa sheegay inuu ku rajo wayn yahay inuu taam u noqdo kulankaas.

“Rajo ayaan leeyahay, dhab ahaantii waxaan doonayaa inaan ka hortago Spain, waxaan rajaynayaa inaan ciyaaro aniga oo fiican” ayuu u sheegay Messi warbaahinta dalkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close