Garsoore xalay guddoonsadey inuusan rooso ama jaalle bixinin

(Manchester) 24 Maarso 2018 – Manuel Lanzini ayaa sheegay inuu Martin Atkinson ku siraystay inuusan wax jaalle ama rooso ah bixinaynin ciyaartii xalay ee Argentina-Italy maaddaama ay ahayd ciyaartiisii ugu dambaysay ee caalami ah.

Garsoorahan ayaa firimbiga caalamiga ah tuuray ciyaartii ay xalay Azzurri-da cusub ay 2-0 direen Argentina  ee ka dhacday Etihad Stadium ee Manchester.

Runtii ahayn ciyaar dhib badan, balse waxaa jirey dhowr taako oo adag iyo funaanado la iska jiidey oo uu garsooruhu socodsiiyay.

“Garsooruhu wuxuu ii sheegay inay tahay ciyaartiisii ugu dambaysay, wuxuuna ii sheegay inuu doonayo inuu ciyaartan ku dhameeyo kaarar la’aan,” ayuu Lanzini u sheegay Argentine paper Ole.

Ciyaartan ayaa macalaamays ah u ahayd garsoorahan marka la eego tartamada caalamiga ah, wuxuuna Atkinson oo 46 jir ihi noqday garsooraha 2-aad ee sanadkii tegey ugu fiicnaa marka laga soo tago dhiggiisa Germany ee Felix Brych.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close