Xulka Talyaaniga oo caawa xiran doona funaanad khaas ah + Sawirro (Sabab?)

(Manchester) 23 Maarso 2018 – Xulka Talyaaniga ayaa ciyaar rubuc saac kaddib bilaabmaysa ku wajahaya dhiggiisa Argentina oo ay kula ciyaarayaan gegada kooxda Man City ee Itixaad.

Xulka Azzurri ayaa ciyaartan ku maamuusaya laacibkii xulkaasi u safan jirey isla markaana kabtanka u ahaa kooxda Viola oo 4-tii bishan si faj’a ah ugu geeriyoodey sariirtiisa jeer uu ciyaar u diyaar garoobayay.

Dhamaan laacibiinta Talyaaniga ayaa xiran doona funaanad khaas ah oo ay ku qoran tahay: ”Davide abidkaa waad nala joogaysaa” iyo magaca laacibka oo uu lambarkiisu wehliyo, iyadoo sidoo kale aan lambarkiisa lagu ciyaari doonin caawa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close