RASMI: Zlatan Ibrahimovic oo ku biiray Los Angeles Galaxy (Ogoow mushaarka uu qaadanayo sanadkii)

(Los Angles) 23 Maarso 2018 Weerar yahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda horyaalka Maraykanka ee Los Angeles Galaxy.

Zlatan ayaa gaaray magaalada Los Angels maanta oo jimco ahayd, kooxda ayaana ku dhawaaqday saxiixiisa kadib markii uu burburiyay qandaraaskiisa Manchester United.

Ibrahimovic ayaa u saxiixay kooxdiisa cusub heshiis 2-sano ah, wuxuuna sanadkii mushaar u helayaa 3 milyan oo doolar oo u dhiganta 2.4 milyan oo euro.

“Kadib markii aan cumrigayga ku qaatay yurub oo aan ku guulaystay 33-koob oo aan ku biiray kooxaha ugu wayn adduunka oo aan ka garab ciyaaray ciyaartoyda ugu fiican, haatan waxaan doonayaa inaan aado USA si aan halkaas uga sii wato waayahayga kubadda cagta” ayuu u sheegay Zlatan wargayska Los Angels Times.

“Waxaan doonayaa in taageerayaashu ay ku raaxaystaan kubadda cagta ee aan soo bandhigayo, si aan sidaas u sameeyo ayaan u doortay Los Angeles Galaxy”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close