Ogoow xulka uu doonayo Pep Guardiola inuu ku guulaysto Koobka adduunka marka laga soo tago xulkiisa Spain

(Manchester) 23 Maarso 2018 Bisha 6-aad ee sanadkaan waxaa dalka Ruushka lagu qaban doonaa koobka adduunka, waxaana durba la bilaabay saadaalinta xulka ku guulaysan kara.

Weerar yahanka Manchester City ee Sergio Aguero ayaa daaha ka qaaday xulka uu doonayo tababare Pep Guardiola inuu ku guulaysto koobka adduunka marka laga soo tago xulkiisa Spain.

Image result for Aguero Messi

Tababaraha reer Spain ayaa marka hore rajaynaya in xulkiisu uu ku guulaysto koobka adduunka taariikhda markii labaad.

Laakiin dooqiisa labaad ayaa ah xulka Argentina kaas oo uu u rajaynayo inuu ku guulaysto koobka adduunka sanadkaan haddii uu gafo xulkiisa Spain.

“Guardiola wuxuu doonayaa in Spain ay ku guulaysato koobka adduunka, haddii taasi aysan dhicin, wuxuu doonayaa Argentina inay hanato koobka” ayuu yiri Sergio Aguero oo la hadlay Mundo Deportivo.

“Wuxuu ii sheegay haddii aan is hagaajiyo in Argentina ay fursad badan u haysato ku guulaysiga koobka adduunka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close