Messi oo ka farxiyay da’yarta Manchester City +SAWIRRO

(Manchester) 23 Maarso 2018 Xulka Argentina ayaa tababar gaar ah ku qaadanaya xarunta tababarka ee kooxda Manchester City ka hor kulanka caawa ay la ciyaarayaan Talyaaniga.

Lionel Messi ayaa tababarka uga faa’idaystay inuu si gaar ah ula kulmo ciyaartoyda da’yarta Manchester City gaar ahaan kuwa da’doodu ay u dhexeyso 10 ilaa 7-jirada.

Image result for Messi Man City junior

Sergio Aguero ayaa ka caawiyay Lionel Messi inuu la kulmo da’yartaas isaga oo la galay sawir taariikhda u galaya ciyaartoydaas marka ay waynaadaan.

Da’yarta Manchester City ayaa si wayn ugu farxay la kulanka kabtanka xulka Argentina ee Messi kaas oo 5-mar ku guulaystay laacibka ugu fiican adduunka.

Related image

When-Lionel-Messi-Sergio-Aguero-turn-up-at-your-U7-and-U8-Academy-training-sessions

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close