Kevin De Bruyne oo qaati ka taagan in Ronaldo iyo Messi…..!!

(Manchester) 23 Maarso 2018. Xiddiga qadka dhexe ee Manchester City Kevin De Bruyne ayaa qaati ka taagan in lala bar bardhigo laacibiinta ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

De Bruyne ayaa sheegay inay ka ciyaaraan boosas kala duwan isla markaana ay dhaliyaan Toban laab goolasha uu isagu dhaliyo xilli ciyaareedkii.

Wiilka reer Belgium ayaa ammaan badan la kulmaya maadaama uu wacdaro ka dhigayo Premier League kal ciyaareedkan.

Wuxuu dhaliyay 11-gool isagoona caawiyay 18-gool.

Natiijada sawirka Kevin De Bruyne, Ronaldo and Messi

“Suuro gal ma ahan in la ila bar bardhigo Ronaldo iyo Messi. Gabi ahaan way kala duwan yihiin boosaska aan ka ciyaarno.”. De Bruyne ayaa sidaa yiri.

“Waxay dhaliyaan Toban laab goolasha aan dhaliyo.

“Haddii aan Toban gool dhaliyo hal xilli ciyaareed waxay dhalinayaan 100 gool. Laakiin shaqooyin kale ayaan garoonka ka qabtaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close