FRANCE VS COLOMBIA: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

(Paris) 23 Maarso 2018 – Colombia ayaa u safraysa France si ay ciyaar aan rasmi ahayn ula dheesho dalkaasi oo ku hubaysan xiddigo fara badan sida Antoine Griezmann, Paul Pogba, Kylian Mbappe iyo Ousman Dembele.

Dhanka France

Laurent Koscielny ayaa kulankan ku seegi kara dhabar xanuun. Laacibka khadka dhexe ee Corentin Tolisso oo isna dhaawac ka sheeganaya ayaysan u badnayn inuu ciyaartan soo xaadiro.

Dhanka Colombia

Juan Cuadrado iyo Edwin Cardona ayaan loosoo xulin ciyaartan xiisaha badan, ee uu xulka Jose Pekerman isugu diyaarinayo KA2018 oo ay tikitkiisa haystaan.

Kulamada ay soo dheeleen

Labadan dal ee kubadeed ayaa kulmay 3 jeer, iyadoo aysan ilaa haatan jirin guul ay Colombia Faransiis ka qaadday, tan kale weligood ciyaar sxbtinimo kuma kulmin.

Safafka suurtagalka ah

France (4-4-2)

GK: Lloris
DEF: Digne (LB), Umtiti (LCB), Varane (RCB), Sidibe (RB)
MID: Matuidi (LDM), Tolisso (RDM), Lemar (LM), Coman (RM)
ATT: Giroud (LF), Griezmann (RF)

Colombia (4-4-2)

GK: Ospina
DEF: Fabra (LB), Murillo (LCB), D. Sanchez (RCB), Arias (RB)
MID: Rodriguez (LM), C. Sanchez (LCM), Aguilar (RCM), Cuadrado (RW)
ATT: Zapata (LF), Falcao (RF)

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close