SAWIRRO: Jack Wilshere oo laga reebay xiddigaha xulka qaranka England ee u duulay Dalka Holland

(London) 22 Maarso 2018. Xiddiga kooxda Arsenal ee Jack Wilshere ayaa la soo warinayaa in laga reebay xiddigaha xulkiisa qaranka England ee u duulay dalka Holland si ay halkaas ugu soo ciyaaraan kulan Saaxiibtinnimo.

Muddo dheer kaddib ayuu Jack Wilshere ku soo laabtay xulka England, laakiin nasiib darro waxaa dhaawac looga saaray xiddigaha xulka England ee la ciyaaraya Holland.

Tababarkii ugu dambeeyey ee maanta oo khamiis ahayd ay qaateen xulka qaranka England ayuu ku dhaawac maray Jack dhaawac, waxaana dhaawac soo gaaray uu sababay in gurigiisa Magaalada London loo diro oo laga reebo xulka Ingiriiska ee u duulay Holland.

Jack Wilshere labo sano ka hor ayaa ugu dambeesay inuu England u cayaaro maalmo, ka horna wuxuu sheegay inuu ku faraxsan ku soo laabashada kulamada heerka qaran, balse nasiibdarro kulanka habeen dambe ee xulkiisu la ciyaarayo Holland dhaawac ayuu kaga haray.

26-sano jirkaan Jack Wilshere oo qaab ciyaareed sare ku jiray xilli ciyaareedkan ayaa Arsenal u saftay 31 kulan waxaana uu u dhaliyey labo gool, isagoo si joogto ah ugu dheelayey Gunners.

Wax faah faahin ah lagama bixin dhaawac cusub ee soo gaaray Wilshere, waxaana warbixin buuxda laga bixin doonaa marka uu Arsenal dib ugu soo laabto oo baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close