Ronaldo oo CAQABAD ku ah in Real Madrid la soo wareegto Neymar iyo HAL SHURUUD oo uu ku xiray in uu tanaasulo

(Madrid) 22 Mar 2018. Waxaa lagu soo warramayaa in Cristiano Ronaldo ka tanaasui doono is hortaaggiisa ah in Real Madrid la soo saxiixato haddii uu Florentino Perez siiyo qandaraas qaali ah.

Neymar waxa uu shiishka u saarnaa Perez tan iyo markii uu ku soo shaac baxay Santos.

Hadda waxa uu haystaa fursad oo uu helay xagaagii hore markii uu ka tegay Neymar kooxda Barcelona.

Waayihiisa gaaban ee Paris Saint-Germain waxaa hareeyey xanta ah in uu u dhaqaaqi doono Real.

Waxaase soo ifbaxday in Cristiano Ronaldo ku cadaadinayo Perez in uusan 26 jirka keenin Bernabeu.

Hase ahaatee, warar dhawaan soo baxay ayaa sheegaya in ishortaaggaas uu Ronaldo ka tanaasuli doono haddii Perez ka jawaabo dallaabaadkiisa.

Sida laga soo xiganayo Don Balon, Ronaldo waxa uu aad u doonaya in Real u muujiso in ay ku kalsoon tahay.

Taas oo ay kowaad ka tahay in ay Real Madrid siiso heshiis cusub oo ay isaga mid noqon karaan Lionel Messi.

Waxaa wali dood furan ah in Real u hoggaansami doonto dalabka Ronaldo ee ah in heshiis cusub la siiyo.

Laakiin Don Balon waxa ay sheegtay in taasi tahay sida kaliya ee uu xiddiggii hore ee Mancehster United uga tanaasuli doono caqabadda uu ku yahay imaanshaha Neymar.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close