Real Madrid oo kala dooratay Kane iyo Lewandowski….(Hal sabab oo Yaab leh)

(Madrid) 22 Maarso 2018. Real Madrid ayaa xagaaga lala xiriirinayaa inay weerarkeeda xoojin doonto iyadoona bartilmaameedsaneysa Harry Kane iyo Robert Lewandowski.

Warsidaha AS ee dalka Spain ayaa warinaya in Los Blancos ay ka walaacsan tahay dabeecada wiilka reer England sidaa darteed ay dareenkeeda u weecisay dhanka dhaliyaha Bayern Munich.

Camaaliqada Spain ayaa aad lala xiriirinayay inay u soo dhaqaaqdo Kane balse waxaa la sheegayaa iminka inay ka wal walsan tahay dabeecadiisa xishoodka iyo aamusnaanta badan taa oo horseedeysa inuu saaxiibo ku sameysan waayo naadiga.

Real Madrid ayaa bartilmaameedkeeda koowaad ka dhiganeysa Robert Lewandowski waxayna rumeysan yihiin in kooxda reer Germany ay tixgalin doonaan dalabyada gaaraya ilaa 100 milyan oo euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close