RASMI: Ibrahimovic oo ka tagaya Manchester United….(Waa halkee??)

(Manchester) 22 Maarso 2018. Joog dheere Zlatan Ibrahimovic ayaa ka tagaya Manchester United, kaddib markii la isku afgatay in heshiiska uu xiddiga kula jiray kooxda la burburiyo.

Manchester United ayaa xaqiijisay in lagu heshiiyay in la soo afjaro qandaraaska Ibrahimovic si dhaqsi leh.

Bayaan ay soo saartay kooxda Man Utd ayaa lagu yiri: “Man United waxa ay xaqiijinaysaa inay lagu heshiiyey in la soo gabagabeeyo qandaraaska Zlatan Ibrahimovic si dhaqso leh.”

“Qof walba oo kooxda ah waxa uu jecel yahay inuu mahadsanid yiraahdo Zlatan dadaalkiisii uu bixiyey intii uu kooxda ku sugnaa, waxaana u rajaynaynaa mustaqbal ifaya.”

Inkastoo aan la xaqiijin kooxda uu ku biiri doono haddana Wariyaha wax ku qora L.A. Times ee Kevin Baxter ayaa warinaya in Zlatan Ibrahimovic uu u saxiixay kooxda LA Galaxy ee dalka Mareykanka.

Ibrahimovic ayaa 53 kulan u ciyaaray Man United, waxaana uu u dhaliyey 29 gool, isagoo u sameeyey 10 caawin, waxaana uu kula guuleystay saddex koob.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close