“Lama yaabayo haddii Neymar aan ku arko funaanada Real Madrid” – Andres Iniesta

(Barcelona) 22 Maarso 2018 Kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa si cad u sheegay in aysan lama filaan ku noqon doonin in Neymar uu ku biiro Real Madrid.

Andres Iniesta ayaa sheegay inay wax iska caadi ah tahay in Real Madrid ay isku daydo saxiixyada ciyaartoyda ugu fiican adduunka.

Wuxuuna hoos u dhigay muhiimada ay leedahay in Neymar oo horay u soo maray Barcelona uu ku biiro cadawgeeda Real Madrid.

Iniesta ayaa la waydiiyay inay lama filaan ku noqonayso ku biirida Neymar ee Real Madrid, wuxuuna ku jawaabay:

“Dhab ahaantii Maya, ani ahaan muhiim uma arko, waxaas ma ahan wax muhiim ah, waxaan rumaysanahay inay iska dabiici tahay in Real Madrid ay isku daydo saxiixyada ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka”.

“Real Madrid aad ayeey u fiicnaan doontaa shaki la’aan haddii ay hesho Neymar, waayo ani ahaan wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican adduunka, waana laacib go’aamin kara natiijada kulan walba”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close