Chelsea oo niyad jabisay Neymar (Blues oo burburisay rajo uu lahaa xiddiga reer Brazil)

(London) 22 Maarso 2018 Sida ay sheegayaan warar soo baxay, kooxda Chelsea ayaa niyad jabisay laacibka dhaawaca uga maqan PSG ee Neymar.

Milkiilaha PSG ayaa maalmo ka hor ku booqday Neymar dalka Brazil halkaas oo uu ku maray qaliin, laacibka reer Brazil ayaana waydiistay milkiilaha kooxda in la keeno tababare Luis Enrique.

Laakiin Nasser Al-Khelaifi ayaa ogaaday in tababare Luis Enrique uu heshiis lagaaray kooxda Chelsea isla markaana uu go’aansaday inuu noqdo badalka Antonio Conte sida ay baahisay Sport.

Image result for Neymar Enrique

Neymar ayaa rajaynayay inuu dib ula midoobo tababarihiisii hore ee Luis Enrique kaas oo ay ka soo wada shaqeeyeen kooxda Barcelona.

Laakiin Chelsea ayaa niyad jabisay Neymar kadib markii ay ka hor istaagtay inuu rumeeyo riyadiisii ahayd in Enrique uu tababare u noqdo PSG.

Kooxda reer France ayaa haatan xooga saaraysa sidii ay ugu qancin lahayd Mauricio Pochettino inuu layliyo kooxda xiliciyaareedka dambe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close