WAA KU CAQLIGAAS: Ronaldo oo Daaha ka rogay Sirta ka dambeysa sida Foosha xun uu TINTA ugu xiirtay koobkii adduunka ee 2002!!

(Brazil) 21 Maarso 2018. Qofkasta oo daawaday koobkii adduunka ee 2002 uu ku guuleystay xulka Brazil wuxuu si wayn u xusuustaa Dhoorkii yaraa uu Ronaldo madaxa ku reebtay.

Laacibka reer Brazil ayaa wacdaro ka dhigay tartankaas isagoona labo gool ka dhaliyay ciyaartii Final ka ay ku wajaheen xulka Jarmalka.

Ronaldo ayaa iminka daaha ka rogay sababta uu Tinta ugu xiirtay sidaasi foosha xun.

Rugcadaaga ayaa sheegay inuu doonayay inuu iska weeciyo dareenka saxaafadda oo ku wajahnaa dhaawac uu qabay isagoona habkaa Tinta u jartay si ay u bilaabaan inay ku mashquulaan tintiisa.

He said he was suffering from a leg injury and needed something to change the subject

“Dhaawac ayaan lugta ka qabay, qofkastana dhaawaceyga ayuu ka hadlayay,” Ronaldo ayaa sidaa yiri.

“Waxaan go’aansaday inaan tinta xiirto aana dhoor yar ku reebto. Waxaan imid tababarka qofkastana wuxuu igu arkay tinta xun.

“Qofkasta wuxuu ka hadlayay Tinteyda wayna iska ilaaween dhaawaca. Wixii markaa ka dambeeyay si dagan ayaan ku joogay waxaana diirada saarayay tababarkeyga.

“Kuma faraxsani sida aan tinta u xiirtay maxaa yeelay wax qariib ayay ahayd, laakiin waxay ahayd wado fiican oo aan ku badelo mowduuca dhaawaceyga.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close