SHIRKAD DAAFACADA SAALAX KA HORIMAANAYA BAD BAADO UGA BAAHAN! Gool kasta oo uu dhaliyo Saalax wixii hadda ka dambeeya SHIRKADDAN waxa ay khasaari doontaa 140 million ! Ogow sababta!

(Cairo) 21 Mar 2018. Gool kasta oo uu Maxamed Saalax dhaliyo wixii hadda ka dambeeya waxa uu ka qasaarin doonaa  shirkadda teleefanada ee Vodavone 140 million laga bilaabo salaasada.

Shirkadda moobeelada waxa ay 11 daqiiqo oo bilaash ku hadal ah siin doonaa macaamiisheeda haddii uu gool dhliyo saalax.

Si ay taageereyaasha uga faa’ideystaan taas waxa ay iska diiwaangalin doonaan adeeg ay shirkadda ugu magic dartay ‘Mo Salah World”.

Vodane ta ka hawlgasha Egypt waxaa ay leedahay macaamiil dhan 43 million sida lagu qoray Website-keeda.

Daqiiqadda ku hadalka ee shirkadda waa 25 lacagta Egypt oo u dhiganta ($0.014), taas oo la micne ah haddii dhammaan macaamiisheeda iska diiwaan galiyey ‘Mo Salah World’ Vodavone Egypt waxa ay lumen doontaa aduun dhan $140 million daqiiqad walba oo uu Salah gool dhaliyo.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close