NIN AAN AARSAN UURKII HOOYADII! Waxa sababay dhibta uu Mourinho ku hayo Jose Mourinho oo daaha laga rogay

(London) 21 Mar 2018.

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho iyo dadabkiisa biddix Luke Shaw waxa ay luqmaha iskula jireen in muddo ah.

Laacibkii hore ee Southampton kuma naaloon bandhigyo loo riyaaqay tan iyo markii uu Jose Mourinho majaraha u qabtay Red Devils.

Portugal-ka waxa uu xiddigii hore ee Southampton ka doorbidaa Ashley Young iyo Marcos Rojo.

Yeelkeede, kulamada qaar ee uu soo galiyo waxaa daba socota eed iyo canaan aan aad looga jecleysan England.

Ciyaartii dhaweyd ee uu ku soo bilowday FA Cup, Brighton,Mourinho waxa uu ku bedelay Ashley Young kaddb markii uu u bogi waayey bandhigyadiisa.

AMARKA MA QAATO!

Jose Mourinho oo wareysi bixiyey ciyaarta kaddib ayaa ku dhalleeceyey Shaw in uusan qaadan qodobada loo soo dhiibo isaga oo 12 daqiiqo oo is difaacid iyo eedeynta ciyaaryahanada laga duubay.

AARGOOSI?

Sida ay jaraa’idadu qorayaan waxaa si baahsan loo aamisan yahay in Jose Mourinho uu ka aargoosanayo Luke Shaw maadama uu daafaca biddix ka doortay ka hoos ciyaaridda Lous Van Gaal xilli Mourinho waqtigii uu joogay Chelsea doonayey saxiixiisa.

Waxaa wagaas la sheegay in Mourinho ka dhiidhiyey mushaarkii 100 kun ah ee toddobaadkii laacibka lagu siinayey isaga oo ku tilmaamay in taas xassilooni daro ka abuuri lahayd qolka labiska ee Chelsea – 18 jir ayuu ahaa Shaw xiligaas.

Qaar waxa ay aaminsan yihiin in Mourinho taas uusan wali ilaawin ee uu iminka ka cad goosanayo

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close