MA JIRTAA MEEL AY KUWAN KU KALA HARAAN? Ronaldo oo doonaya in uu ISLA SIMO Messi kahor inta uusan?

(Madrid) 21 Mar 2018. Wararka ka soo baxaya Spain ayaa sheegaya in Cristinao Ronaldo ka daldan doono mushaar focal caqli ah Real Madrid kahor inta aan loo fasaxin in uu aado China.

Xagaagii tegay aayaha Ronaldo waxa uu ahaa mid hawada ku laalan xilli la warinayey in uusan ku faraxsaneyn Real Madrid.

Hadda waxa uu ashqaraarku dhinaca kale u rogay ol’olihiisii liitay hadda isaga oo dhaliyey 18 gool muddo 8 kulan ah dhammaan tartamada.

33 jirka uu qandaraaska ka dhacayo 2221-ka ayaa hadda doonaya in uu sare musharkiisa loogu qaado.

Waxaa aad loo hadal hayaa in uu aado Chinsese Super League xilli uu Luis Felipe Scolari ka wareysatay sida uu horyalkaas yahay.

Hadda Don Balon, waxa ay warisay in Ronaldo ka dalbaday wakiilkiisa Jorge Mendes in uu musharka uu ka qaato Real Madrid gaarsiiyo midka Lionel Messi.

Waxaa la sheegay in Cristiano Ronaldo ballan mushaar kordhin ka haysto Florentino Perez.

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close