Joachim Low oo is hortaagaya in Hazard uu ku biiro Real Madrid (Sidee?)

(Madrid) 21 Maarso 2018 Tababaraha xulka qaranka Jarmalka ee Joachim Low ayaa is hortaagaya in Eden Hazard uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Eden Hazard ayaa si wayn loo la xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan kadib markii uu sheegay in kooxda boqortooyada Spain ay tahay riyadiisa.

Tababare Zidane ayaa aad u la dhacsan laacibka Chelsea, wuxuuna doonayaa inuu keeno caasimada Spain haddii uu sii ahaado tababaraha kooxda xiliciyaareedka dambe.

Image result for Joachim Low Eden Hazard

Sida ay baahisay Don Balon, Florentino Perez ayaa kooxda ka diri doona tababare Zidane haddii uu ku guul daraysto inuu xiliciyaareed kaan u qaado markii 3-aad oo xiriir ah koobka horyaalada yurub.

Madaxwaynaha Real Madrid ayaana diirada saari doona soo xerogalinta Joachim Low kadib koobka adduunka kaas oo aan raali ka noqon doonin in Hazard uu ku soo biiro kooxda.

Joachim Low ayaa ku qanacsan qaab ciyaareedka Marco Asensio, waxaana la sheegay inuu fursad siin doono xiddiga reer Spain isla markaana uu kansali doono imaanshaha Hazard ee Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close