“Dartaa Ayaan ugu hadlaa Luqada Spanishka.”. Aubameyang oo Instagram soo dhigay Fariin Damqasho leh kaddib markii uu Ayeeyadii Dhunkaday Dhunkashadii ugu dambeysay Adduunka!!

(Europe) 21 Maarso 2018. Weeraryahanka cusub ee Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Nasiib u yeeshay inuu Dhunkado Ayeeyadiisa safarkeedii ugu dambeeyay ee Adduunkan ka hor inta aysan dhiman.

28-jirka reer Gabon ayaa soo dhigay Sawirro uu Ayeeyadii la galay waqtigeedii ug dambeeyay adduunkan, wuxuuna soo raaciyay Qoraal qalbi dilaac ah.

 The star shared snaps of him and his children by her bedside with an Arsenal shirt laid over her

“Dhoola caddeyntii ugu dambeysay taa oo muujineysa inaad tahay tan ugu fiican. Safarkaagii ugu dambeeyay ee xaafadaada taa oo aan ku farxay inaan kula joogo.

“Waxaad I siisay jaceyl fara badan waxaad I bartay waxyaabo badan, adiga dartaa ayaan ugu hadlaa luqada Spanish ka.

“Waan ku faraxsanahay inaan noqdo wiilkaaga yar. Dhunkashadii ugu dambeysa si aan kugu sheego Macsalaamo.”.

Pierre-Emerick Aubameyang shares a kiss with his late grandmother in a picture on Instagram

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close