Chelsea oo AY KA GO’AN TAHAY in ay ku garaacdo Man United xiddiggan uu aadka Mourinho uu doonayo

(London) 21 Mar 2018. Chelsea waxa ay diyaar u tahay in ay ka dul qaado Manchester United daafaca Tottenham Toby Alderweireld iyada oo u ballan qaaday in ay siiso mushaarka uu qaato Virgil van Dijk.

Laacibka u dhashay Belgium waxa ay isku haystaan arimo la xiriira qandaraas kordhintiisa maalmulka Spurs halka uu banana joog ka ahaa safka Mauricio Pochettino  muddooyinkii dambe.

Xaaladda uu hadda kaga sugan yahay Spurs waxa ay heeggan galisay kooxo waa weyn oo ay ka mid yihiin Manchester United, Paris Saint-Germain iyo Chelsea.

Laakiin Chelsea waxa ay dooneysaa in ay dalab weyn oo ku saabsan mushaarkiisa hor dhigto si ay uga soo jiidato dhinacyada kale.

Imaanshihiisa kuma xirna in Antonio Conte sii joogo iyo in kale naadiga Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close