CALOOL XUMO: Alexis Sanchez oo xaalad adag kala kulmaya nolosha Manchester United, iska daa in uu la sheekeyso ciyaaryahanada xittaa waxba lama ……??

(Manchester) 21 Mar 2018. Daily Mail waxa ay warineysaa xog ay ka heshay ilo wareed aan la magacaabin in ay sheegayaan in Alexis Sanchez ay dhibaato ku haysato Mancehster United.

Alexis Sanchez kaydka ayaa looga tagay kulankii FA Cup-ka ee Brighton.

Sancehez kulan qura ayuu gool u dhaliyey tan iyo markii uu ku soo biiray United.

Hadda dad badan ayaa is weydiinaya in tallaabadii uu Mourinho kula soo wareegay Sancehez in ay qalad ahayd?

‘Alexis Sanchez kaligiis ayuu cuntada ku cuna Man United”

Warbixintii ugu dambeysay ee Daily ay ka qortay Sanchez waxa ay la bar bar dhigtay Koonfur American kale, Angel Di Maria. Sidii uu xaalkiisa ahaa waqtigiisii Old Traffod.

Taas waxaa u dheer in uu Sanchez hadda bixinayo caallaado tusaale jireed muujinaya in xaalku ku xun yahay.

Sidoo kale United waxa ay ka walaacsan tahay in Alexis Sanchez ku dambeeyo xaaladdii Angel Di Maria.

Shaqaalaha waxa ay la yaabsan yihiin sida uu kaligii gooni isugu sooco marka la joogo xarunta tababarka ee Carrington iyaga oo sheegay in uu inta badan gooni wax u cuno.

“Waxa uu u muuqdaa mid aan rabin in uu halkan joogo,” waxaa sidaas yiri xog ogaal aan la magic dhabin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close