Xulka Talyaaniga oo sameeyay tababarkii ugu horreeyay kaddib ka haritaankii KA2018 + Shaxda & Sawirro

(Coverciano) 20 Maarso 2018 – Macallinka xulka Talyaaniga ee Gigi Di Biagio ayaa galabta tababarka ku muujiyay safka uu kala hortegi karo xulka Argentina iyadoo laga gartay inuu ku diyaarinayo shaxda 4-3-3 , waxaana safka ka mid ah Jorginho, Federico Chiesa, Ciro Immobile iyo Lorenzo Insigne.

Macallinkan KMG ah ayaa ciyaar saaxiibtinnimo Jimcaha ku wajahaya Argentina kahor inta aanu Talaadada la ciyaarin dhiggiisa England.

Waxaa maqan daafacyada Giorgio Chiellini iyo Alessio Romagnoli, sidaa darteed Daniele Rugani ayaa daafaca jaal kula noqonaya Leonardo Bonucci ee hoos ka dheeho.

SHAXDA LAGA YAABO:

Italy (4-3-3): Buffon; Florenzi, Bonucci, Rugani, Spinazzola (Darmian); Jorginho (Parolo), Verratti, Bonaventura (Pellegrini); Chiesa (Candreva), Immobile, Insigne

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close