WAR CULUS: Floyd Mayweather oo iibsanaya kooxdan caanka ah ee ka dhisan England iyo isaga oo xaqiijiyey in uu Ronaldo keeni doono…..Ogow kooxda ay tahay

(Madrid) 20 Mar 2018. Majaladda The Sunday ayaa toddobaadkan shaacisay warar badan oo xan ah.

Taagereyaasha Newcastle United waxa ay is weydiinayeen bilahan dambe bal in Mike Ashley dhammaadka xili ciyaareedkan iibin doono kooxda.

Waxaa jiray dalab uu soo gudbiyey Amanda Staveley balse hadana ka noqday.

Laakiin badalkiisa waxaa diyaar u ah in uu iibsado feeryahanka reer Mareykan e Floyd Mayweather.

The Star waxa ay sheegtay in Mayweather doonayo kooxda Premier League waxaana laga soo xigtay isaga oo dhahaya: “Waxaa kuu wacan in aad aaminto, haddii aan rabo in aan maalgaliyo Newcastle  waxaan halkaas ku soo laabanayaa aniga oo xafladeenaya marar badan!

“Waan jeclahay Newcastle, Akhiyaartaas waxa ay aad u jecelyihin xafadeynta mana arkin magaalo sidaas ah inta aan dunida wareegayey. Ciyaaryahanda qaar ayaan la kulmay sanadkii hore – waana dad wanaagsan. Mar walba waan u furnaan doonaa fursad cusub oo ganacsi waana jeclahay dhammaan ciyaaraha.”

Mayweather waxa uu sheegay in uu Ronaldo keeni karo Newcastle

“Cristiano Ronaldo waa saaxiibkeyga waqti dheer wuuna ku dhammeyn karaa waayihiisa xirfadeed Newcastle.”

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close