XOG: Patrick Cutrone oo qandaraas cusub ogolaaday?

(Milano) 20 Maarso 2018 – Qannaaska AC Milan ee Patrick Cutrone ayaa lasoo werinayaa inuu saxiixi doono qandaraas taxnaan doona ilaa 2023 kaasoo aanu la soconin qodob lagu fasiqi karo.

20-jirkan ayaa fasalkan wacdaro aan horay loogusii tashanin ka dhigaya kooxda Rossoneri, iyadoo todobaadkanna loogu yeerey xulka waawayn ee Talyaaniga, kaasoo uu sheegay in aanu filahaynin.

Sky ayaa sheegaya in haatan la isku afgartay in laacib yarahan soo baxaya ee carcarta badan qandaraas cusub farta laga saaro, isagooo sanadkii qaadan doona mushahar dhan €1.1m kaasoo ay dheer yihiin bareemiyooyin dhowr ah.

Waxaa dheer in aan qandaraaskiisa wax shuruud ah oo lagu fasiqi karo lagu darin. Haba yaraatee.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close