FURSAD DAHABI AH: Lionel Messi oo saddex maalmood joogi doona garoonka Real Madrid isaga oo kula kulmi doona Zidane iyo qaar ka mida ciyaryahanada Real……Ogow ujeedka

(Madrid) 20 Mar 2018. Ashqaraarka Barcelona waxa uu saddex maalmood tababar ku sameyn doonaa xarunta tababarka ee Real Madrid toddobaadka dambe.

Xiriirka kubadda cagta ee Argentina ayaa go’aansaday in ay ku tababartaan xarunta Real iyaga oo ka doortay kan Atletico kahor kulanka ay Spain sida saaxiibtinimo ula dheeli doonaan.

Waxa ay noqon doonaa xaalad gaar ah Leo Messi oo lagu arki doono isaga oo ku tababaraha gegida Madrid.

Messi waxa uu halkaas kula kulmi doonaa Zinedine Zidane iyo qaar ka mida xiddigaha Madrid oo aan ka qeybgali doonin kulamada saaxiibtinimo.

Argentina waxa ay jimcaha gegida Etihad ee Mancehster City kula dheeli doontaa Italy kahor inta aysan 27 Wanda Metropolitano kula dheelin Spain.

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close