Alexis Sanchez oo saxiix wayn ka caawinaya Manchester United

(Manchester) 20 Maarso 2018 Laacibka dhawaan taan ku soo biiray Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa diyaar u ah inuu ka caawiyo kooxdiisa saxiix kale oo wayn.

Alexis Sanchez ayaa ku dadaalaya sidii uu ugu qancin lahaa James Rodriguez inuu kula biiro Manchester United dhamaadka xiliciyaareed kaan sida ay baahisay Don Balon.

Man United ayaa si fudud ku heshay Alexis Sanchez suuqii Janaayo markaas oo saxiixiisa ay ka dul qaaday Manchester City.

Image result for James Rodriguez Sanchez Mourinho

Tababare Jose Mourinho iyo waliba Alexis Sanchez ayaa iska kaashanaya sidii James Rodriguez uu u imaan lahaa Old Trafford dhamaadka xiliciyaareed kaan.

James ayaa amaah laba xiliciyaareed ah ugu biiray Bayern Munich suuqii xaggaaga, laacibka ayaana qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya horyaalka Jarmalka.

Alexis iyo tababare Mourinho ayaa wajahaya shaqo culus maadaama Bayern Munich ay dhankeeda doonayso inay ku qanciso laacibka inuu u saxiixo heshiis joogto ah.

Image result for James Rodriguez Sanchez Mourinho

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close