ADDUUN WAA HARKA LABADIISA GALIN: Shalay Essien wuxuu ATOORE ka ahaa Chelsea Maantana…..

(Europe) 20 Maarso 2018. Michael Essien wuxuu shalay ahaa Geesi ay ku tashato Chelsea balse Maanta waxaa bahdishay naadi yar oo ka dhisan dalka Indonesia kaddib markii ay ku tiri orodoo iska tag.

Laacibka reer Ghana ayaa sagaal sano uu ku sugnaa Stamford Bridge kula guulestay Champions League, Labo jeer Premier League, Afar jeer FA Cup iyo waliba League Cup.

Essien ayaa aduun dhan 24-milyan ugu soo biiray Blues 2005-tii isagoo ka yimid naadiga Lyon ee dalka Faransiiska wuxuuna dabadeed ku biiray kooxaha AC Milan iyo Panathinaikos.

Sawirka la xidhiidha

Kubbad bur buriyaha 58-jeer u saftay xulkiisa Ghana ayaa ugu dambeyn sanadkii la soo dhaafay ku biyo shubtay kooxda Persib Bandung ee ka dhisan horyaalka Indonesia.

Wuxuu noqday laacibkii ugu magaca waynaa ee kooxdaa ku soo biira wuxuuna u dhaliyay Shan gool 29-kulan uu kal ciyaareedkii tagay u saftay.

Natiijada sawirka Michael Essien win Chelsea titles

Balse Persib ayaa iminka albaabka u tilmaamtay Essian iyadoo sheeganeysa inay ilaalineyso xeerka dalkeeda ee tirada Ajaanibta ah ee hal koox u ciyaari karta.

Waa bahdilaad loo geystay Xiddig magac wayn ka sameeyay Premier League iyo waliba xulkiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close