MAXAA KA XANUUN BADAN: Messi oo DABOOLKA ka qaaday markii ugu dambeysay ee uu OOYO in ay ahayd markii wiilkiisa Mateo uu………..?)

(Catalonia) 19 Mar 2018. Ashqaraarka Barcelona Lionel Messi waa nin qoys oo hadda leh saddex wiil xilli ay dhaxdo haweeney ay ay is yaqaaneyn ilaa iyo shan jirkoodii – Antonella Rocuzzo.

Leo Messi marar badan waa la arkay isaga oo ooyaya sida fiinaalihii ay Chile ka qaaday Copa America iyo sida la wariyey kulankii ay Blues ku reetay Camp Nou afar dhammaadkii Champions League ee 2012.

Hase ahaatee, wareysi uu dhawaan siiyey America TV –  waxaa lagu weeydiiyey markii ugu dambeysay ee ay indhihiisu ilmeeyeen! Waxa uu ku jawaabay – “Waxaan faraxad la ooyey markii uu dhashay Mateo. Dhalashadii Thiago wey dhib badneyd, uma dhicin sidii aan raajicineynay. Mateo wuu ka jawi fiicnaa. Khabarkii kan saddexaad waxa uu ahaa mid farxad weyn ii wata.”

Messi waxa uu waresigaas uga hadlay arrimo badan oo ku saabsan noloshiisa shaqsiyadeed.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close