XOG: United oo saxiixa Fred ku garaacysa City

(Kiev) 18 Mar 2018. Manchester United makaan wanaagsan ayey u joogtaa in ay Manchester City ka dulqaado saxiixa khadka dhexe ee Brazil Fred.

25 jirka Shakhtar Donetsk waxaa la fahansanaa in ay isku baacsanayeen saxiixiisa labada Manchester.

Waxaa la qabay in City soo qaadan kartay bishii Janaayo iyaga oo u arkayey badalka Fernandinho, bakes waxba kama naaso cadaan.

Sida laga soo xiganayo Daily Star,kooxda la wada filayo in ay hanato EPL wali weey qiimeeneysaa saxiixa Brazilian-ka.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Mou uu bartilmaameedsaday wakiilada laacibka.

Madaxa fulinta ee Shakhtar Sergei Palkin waxa uu qiray in midkood City ama United heli doonto saxiixa Fred.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close