Mid kamid ah culumada ugu wayn dalka Sucuudiga oo FARIIN u soo diray Mohamed Salah (Muxuu ku yiri?)

(Riyadh) 18 Maarso 2018 Shiikh Caa’id Al-Qarni ayaa fariin u soo diray weerar yahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo ku jira qaab ciyaareed fiican.

Dareenka Shiikha waxaa dhaqaajiyay kadib markii xalay uu ku dhawaaqay mid kamid ah taageerayaasha Liverpool inuu qaadanayo diinta islaamka kadib bandhigii Mohamed Salah.

Shiikha ayaa uga mahadceliyay Maxamed Saalax wax qabadkiisa, wuxuuna u rajeeyay in ilaaheey uu waa fajiyo inuu sabab u noqdo islaamida dad badan oo maanta aan haysan diinta islaamka.

Dr.Caa’id Al-Qarni ayaa intaa ku daray in shaqsi walba oo muslim ah looga baahan yahay inuu si qurux badan u soo muujiyo wanaaga ay leedahay diinteena meel walba oo uu joogo.

Shiikha ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:

“Dhamaanteen waa inaan u matalnaa diintaan wayn oo ah diinta islaamka suuradeeda dhabta ah ee sharafta leh dhamaan shaqooyinka iyo goobaha aan joogno waayo caalamkaan waxaa laga jecelyahay guulaystaha laakiin lama ixtiraamo faashilka, Alle ha ku waafajiyo wiilyahow cajiibka ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close