Luis Enrique oo dhabar jabinaya Chelsea si uu ugu biiro koox kale oo ingiriis ah

(London) 18 Maarso 2018 Tababaraha reer Spain ayaa doonaya inuu iska diido dalabka kooxda Chelsea ay soo hor dhigtay si uu u layliyo koox kale oo ingiriis ah.

Kadib qilaaf soo kala dhex galay tababare Antonio Conte iyo maamulka Chelsea ayaa sababay in kooxda reer ingiriis ay u dhaqaaqdo soo xerogalinta tababarihii hore ee Barcelona.

Sida ay baahisay Daily Star, Luis Enrique ayaa diyaar u ah inuu iska diido u dhaqaaqida kooxda Chelsea si uu ugu biiro dariskooda Arsenal.

Luis Enrique ayaa ku jira liiska tababareyaasha ugu horeeya ee Arsenal ay doonayso inay ku badasho tababarehooda haatan ee Arsene Wenger.

47 jirkaan ayaa u dooranaya Arsenal maadaama ay tahay koox ciyaarta kubadda Barcelona oo kale taas oo ku dhisan kubadd haysi iyo weerar.

Tababaraha ayaana hakiyay wadahadaladii uu kula jiray Blues si uu uga war sugo in dalab uu ka soo gaaro kooxda Arsenal oo la filayo inay go’aan ka gaarto mustaqbalka Arsene Wenger.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close