Lionel Messi oo kulankii caawa ee Athletic Bilbao ka hor u sheegay xiddigaha Barcelona in….

(Spain) 18 Maarso 2018. Lionel Messi ayaa shabaqa tagay kulankii ay dhawaan Barcelona 2-0 uga adkaatay naadiga Athletic-Bilbao.

Camaaliqada Spain ayaa ku sii dhawaaneysa hanashada La Liga iyagoon weliba hal kulan laga adkaan.

Messi iyo Paco Alcacer ayaa dhaliyay labada gool ay caawa kaga adkaadeen naadigii hore ee tababarahooda Ernasto Valverde.

Balse ciyaarta ka hor Lionel Messi ayaa la warinayaa in xiddigaha naadiga uu ku war galiyay inay kooxda ku dhow dahay inay soo xero galiso daafaca Bayern Munich ee David Alaba.

Natiijada sawirka David Alaba Barcelona

Kabtanka reer Argentina ayaa u sheegay saaxiibadiisa inay kooxdu filaneyso soo xero galinta Alba dhammaadka xilli ciyaareedkan sida uu warinayo warsidaha Don Balon.

Daafaca reer Austria ayaa xilli ciyaareedkan ku jira qaab ciyaareed aad u fiican laakiin wuxuu horaantii bishan qishay inuu diyaar u yahay tartan cusub iyo koox cusub.

Don Balon ayaana iminka warineysa in Messi uu ka war helay in Barcelona ay ku sii dhawaaneyso saxiixa daafaca loo bogay.

Warkaan ayaana dhabar jab ku noqonaya Real Madrid oo qudheeda sheeda ka eeganeysay David Alaba.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close