“Lalabo iyo SHUBAN ayaan maaro isaga waayay, marna Ciyaaraha Ayaan ka fariisan gaaray kaddib…”.-Kabtanka Arsenal oo daaha ka rogay Dhacdooyin Xanuun badan isagoo waliba ilmeenaya

(London) 18 Maarso 2018. Geesiga Arsenal Per Mertesacker ayaa Oohin Jabsaday mar uu ka sheekeenayay inuu ku sigtay inuu ciyaaraha ka fariisto kaddib markii uu isdilay saaxiibkii.

Daafaca reer Germany ayaa sidoo kale Shaaciyay inuu la dhibtoon jiray Lalabo iyo Shuban ciyaar kasta ka hor, waana sheeko uusan hadda ka hor daaha ka rogin.

Goolhayaha reer Germany Robert Enke oo ay Mertesacker ka wada tirsanaayeen naadiga Hannover ayaa is dilay isagoo 32-jir ah kaddib lix sano uu niyad jab ku jiray.

 Per Mertesacker revealed the death of Robert Enke called into question his career

Kabtanka Arsenal ayaa sheegay inuu dareemay xumaan maadaama uu waqtigaa oo dhan ogaan waayay dhibaatada heystay saaxiibkii isla markaana uu ku sigtay inuu ciyaaraha ka fariisto.

“XItaa ma ogeyn xaalada xun uu ku jiray isaga. taasi waxbey oraneysaa miyaysan ahayn,”Mertesacker ayaa sidaa yiri.

“Dhabtii waxaan ku dhawaaday inaan kubbada cagta oo dhan isaga boxo, Usbuuc kaddibse wax kasta waxay ahaayeen sida wax la soo dhaafay.

“Laakiin waayaheyga ciyaareed waa mid naadir ah, nasiib badan ayaan lahaa nolosheyda, sidaasi sahlan iskuma dhiibi karin.”.

Per Mertesacker ayaa sidoo kale daaha ka rogay inuu Lalabo la dhibtoon jiray ciyaar kasta ka hor.

 Per Mertesacker also revealed he struggles with nausea before games

“Caloosheyda waxay bilowday inay qasanto waxaana dareemayay sida inaan matagi rabo. Intaa kaddib neefta ayaa aad ii dhibi jirtay ilaa aan ka ooyo.

“Waa markii igu horreysay aan ka hadlo arrinka La labada.”

Laacibka ayaa sidoo kale maaro u waayay Shuban joogta ah taa oo keentay inuu xitaa ganaax iska saaro cuntada afar saacadood ka hor kulanka si uu uga fogaado inuu Shubmo.

 Per Mertesacker was heartbroken as he recalled pal Robert Enke

“Waxaa qasab ahayd inaan musqusha aado isla marka aan soo koco, isla marka aan quraacdo, markale kaddib qadada iyo markale garoonka.”.

Daafaca adkeysiga badan ayaa sheegay inuu dhibaatadaasi cidna la wadaagin, saaxiibadiisa iyo xitaa reerkiisa isla markaana ay tahay markii ugu horreysay oo uu ka hadlo arrinkan.

Mertesacker ayaa sheegay in xitaa yaraantiisa uu qarsan jiray dhibaatooyinkiisa oo uusan cidna la wadaagi jirin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close