WAR CUSUB: Lionel Messi oo dood ka keenay Ballon d’Or-rada uu Cristiano Ronaldo ku guuleysto! – Ogow qodobada uu ku doodaya…..

(Catalonia) 17 Mar 2018. Sida ay warar hoose sheegayaan, Lionel Messi waxa uu dood ka qabaa sida uu Cristiano Ronaldo ugu guuleysto Ballon d’Or-rada.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo wali waxa ay ku loolamayaan jaa’isooyinka ugu qaalisan dunida.

Bishii Disembar ee tagtay Ronaldo waxa uu soo bar bareeyey tirade Ballon d’Or-rada ee uu Messi ku guuleystay.

Cristiano Ronaldo waxa uu Real Madrid ku hoggaamiyey hanashada Champions League, xilli goolashiisii weereegyada bug baxda ah ay saameyn laahaayen.

Hase yeeshee,Lionel Messi koobab badan ma qaadin balse waxa uu guud ahaan tartamada ka goolal badnaa Ronaldo.

Sida ay qortay majaladda Spain ka soo baxda ee Diario Gol, Messi waxa uu dood ka keenay go’aanada Ronaldo lagu siiyey Ballon d’Or-ka.

Ma jiraan wax badan oo kala qeybiya labada xiddg ee dunida ugu wanaagsan.

Walow ay da’doodu kordheyso hadana waxa ay ku barataman heerka ugu sarreeya labadooda.

Waxa ay kooxohooda ku hoggaamiyeen koobab walow Ronaldo ka badnaa sanadkii hore.

Sanadihii dambe, laacibkii hore ee Manchester United ayaa inta la nasiyey ka badnaa Messi.

Waxaa caddeyn u ah in kulamo La Liga aan la safin si loogu dhigo Champions League oo ahmiyadda la saarayey.

Diario Gol waxa ay sheegtay in Messi aaminsanyahay in Ronaldo uu ku qaado jaa’isooyinka sababo la xiriira heer ciyaareedkiisa oo wanaagsanaada heerarka dambe ee tartamada.

Sanadkii hore Ronaldo waxa uu wadada goolal uga sii dhaliyey Bayern Munich, Atletico Madrid iyo Juventus kahor inta aysan ruxin Champions League.

Laakiin La Liga waxaa ka goolal badnaa Messi oo dhaliyey 37.

Taas daraadeed ayaa keentay in uu dareensan yahay in uu uga qalmay jaa’isada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close