“Waan ognahay in aan ka tabar yarnahay Barcelona”

(Roma) 17 Maarso 2018 Kabtanka kooxda Roma ee Daniele De Rossi ayaa qirtay in kooxdiisu ay ka tabar yartahay kooxda lagu soo beegay ee Barcelona.

Roma ayaa u safraysa lugta hore magaalada Barcelona halka lugta labaad ay garoonkeeda ku soo dhawayn doonto tababare Valverde iyo wiilashiisa.

Daniele De Rossi ayaa sheegay in ciyaartu ay tahay 11-laacib oo ka horjeeda 11-laacib kale, wuxuuna ka dhawaajiyay muhiimada ay leedahay in kooxdiisu ay guul ku soo gaarto Camp Nou.

Image result for Daniele De Rossi Barcelona

“Waan ogayn inaan ka hortagayno mid kamid ah 7-da koox ee soo gaaray wareegaan, kooxdii ugu xumayd ayaa nagu soo aaday, waa inaan si fiican u diyaar garownaa, waan ognahay inaan ka tabar yarnahay laakiin aad uma liidano” ayuu yiri Daniele De Rossi.

“Barcelona waxay badashay habkii aan ku fikiraynay inaan u ciyaarno kubadda cagta, waxaa iska hor imaanaya 11-laacib oo iyaga ah iyo 11-laacib oo anaga ah”.

“Sifiican ayaan ugu diyaar garoobaynaa kulanka lugta hore, waxaanan isku dayi doonaa inaan guulaysano kulankaas”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close