SAWIRRO+MUUQAAL: Wax ka ogow sheekada xiisaha badan ee baabuurtan iyo Aubameyang!

(London) 17 Mar 2018. PIERRE-EMERICK AUBAMEYANG waxa uu haysta faakihaadka uu ku kala xusho baabuurtiisa midkiiba ku fadhiya £810,000 meel walba oo uu u dalxiis tagayo.

Sawiradan caajiibka ah ayaa muujinaya tirade baabuurta ee uu haysto xiddigga toddobaadkii mushaar ahaan Arsenal uga qaata £180-ka kun.

Gabonese-ka waxa uu ku soo bandhigay baabuurtan baakinkiisa guriga.

Nooca baabuurta Aubameyang WAXA AY KA KOOBAN YIHIIN: Mansory (£150k), Ferrari 812 Superfast (£250k), Lamborghini Aventador (£270k) iyo Porsche Panamera Turbo Techart (£140k).

Waxaa meesha ka muuqan Batmobile oo ah naqshadda Lamborghini Aventado kaas oo uu sidoo kale leeyahay xiddigga Arsenal –  isku darka baabuurta laacibka qiimahoodu waa £1.5m.

Aubameyang, oo ay da’diisu tahay 28 waxa uu ballan qaaday in uusan waligiis iska bixin doonin hantidiisa!

Waxa uu u sheegay The Mirror: “Dharka iyo baabuurta dhammaan waa faakiho. Sidaas ayaan ku raaxeystaa!”

SAWIRADDA BAABUURTA

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close