Real Madrid iyo Robert Lewandowski oo heshiis wada gaaray

(Europe) 17 Maarso 2018. Real Madrid ayaa la warinayaa inay heshiis mabda’ ahaan la gaartay dhaliyaha Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

29-jirka ayaa bilooyinkii tagay oo dhan lala xiriirinayay inuu u soo dhaqaaqayo Bernabeu.

Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayay ka go’an tahay inuu saxiix culus xagaaga ku soo kordhiyo kooxdiisa.

Mundo Deportivo ayaa iminka warineysa inay heshiis la gaareen Lewandowski.

 The Bayern Munich striker's agent Pini Zahavi has thrashed out a deal with the La Liga giants

Weeraryahanka ayaa horaantii bishan uun shaqo galiyay Pini Zahavi kaa oo noqday wakiilkiisa cusub.

Laacibka ayaana la aaminsan yahay inuu isagu heshiiska shaqsi ahaaneed la gaaray camaaliqada Spain si uu ugu soo dhaqaaqo koobka adduunka kaddib.

Real Madrid ayaa waxaa iminka u harsan inay lacagaha kala heshiiyaan kooxda Bayern Munich.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close