Liverpool oo 5-gool uga badisay Watford iyo Maxamed Saalax oo goolasha dhan ku lug leh..+SAWIRRO

(England) 17 Maarso 2018. Liverpool ayaa 5-0 uga adkaatay naadiga Watford iyadoona soo degtay kaalinta saddexaad ee Premier League.

Caawa waxaa goobta iska lahaa Maxamed Saalax oo Afar gool dhaliyay isla markaana caawiyay goolka kale.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 uu dhaliyay Maxamed Saalax.

Wiilka reer Masar ayaa tagay shabaqa daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta kaddib caawin uu ka helay Sadio Mane.

Intaan la marin qeybta hore ee ciyaarta waxaa Maxamed goolka labaad ka caawiyay Andrew Robertson.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad Firmino ayaa tagay shabaqa daqiiqadii 49-aad waxaana goolka ka caawiyay Maxamed.

Maxamed Saalax ayaa markale shabaqa tagay goolkii afaraad ee kooxda iyo kiisii saddexaad waxaana ka caawiyay markale Sadio Mane.

Xiddiga Muslimka ah ayaana goolka shanaad ciyaarta ku soo xiray.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close