Kadib 4-tii gool ee Caawa uu dhaliyay Salah, Mid kamid ah taageerayaasha Liverpool oo islaamay

(Liverpool) 17 Maarso 2018 Mohamed Salah ayaa caawa sabab u noqday ilaaheey ka sokoow inuu islaamo mid kamid ah taageerayaasha kooxda Liverpool.

Wiilka reer Masar ee Muslimka ah ayaa caawa kooxdiisa farta ka saaray guul wayn oo kooxdu ay ka gaartay Watford oo marti u ahayd, waxayna uga adkaatay 5-0.

Salah ayaa dhaliyay 4-kamid ah 5-ta gool ee caawa Liverpool ay ku adkaatay, sidoo kale isaga ayaa caawiyay goolka kale ee uu dhaliyay Firmino.

Mid kamid ah taageerayaasha Liverpool ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay caawa inuu qaatay diinta islaamka kadib qaab ciyaareedka wanaagsan ee Mohamed Salah.

“Waxa Mohamed Salah uu samaynayo xiliciyaareed kaan waa wax aad cajiib u ah, si rasmi ah ayaan u qaatay diinta islaamka أشهد أن لا اله إلا الله وان محمد رسول الله” ayuu soo qoray taageerahaas.

Ninkaan ayaa ka dhabeeyay hees taageerayaasha Liverpool ay u sameeyeen Salah taas oo ay ku jirtay inay islaam noqonayaan haddii uu markale gool dhaliyo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close