Haddii uu Neymar ku biiro Real Madrid, Barcelona waxay Iyana qaadeysaa Talaabadan si ay uga Aar gudato!!

(Spain) 17 Maarso 2018. Real Madrid ayaa dooneysa Neymar iyadoo ay jirto inuu soo maray kooxda cadawogeeda ee Barceloona, waxayna wiilka reer Brazil ku darsatay Liiskeeda xagaaga.

26-jirka ayaa waqti fiican la qaadanaya PSG laakiin waxaa durba la warinayaa inuu doonayo tartan cusub oo ka baxsan Faransiiska.

Haddii ay dhacdo in Neymar uu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan caasimadda Spain, Don Balon ayaa warineysa in Barcelona ay soo xero galin doonto Isco si ay uga aar gudato Real Madrid.

Natiijada sawirka Isco Barcelona

Kubbad qaabeeyaha reer Spain ayaa sanadii la soo dhaafay si xoogan loola xiriirinayay inuu ka soo tagi doono Bernabeu.

Laakiin Isco ayaa ugu dambeyn saxiixay heshiis wayn oo ku kacaya 650 oo milyan si loo bur buriyo.

Iyadoo ay jirto midaa, Isco ayaa u dul qaadanaya kal ciyaareed jah wareersan iyadoo uu Zidane si joogta ah keydka ugu hayo.

Don Balon ayaa sheegaya in Barcelona ay ka go’an tahay inay Isco ka dhigato badelka waqtiga dheer ee Andres Iniesta.

Yeelkeede, waxay ka war qabaan in Real Madrid aysan marna mid ka mid ah xiddigaheeda ugu fiican ka iibineyn koox ay si toos ah u xifaaltamaan.

Sidaa awgeed, Barca waxay rajeynayaan in Isco uu isagu qaato go’aanka uu uga soo tagayo Bernabeu xagaagan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close