Booliiska Argentina oo ku dhagan Lionel Messi (Maxaa loo haystaa?)

(Buenos Aires) 17 Maarso 2018 Booliiska dalka Argentina ayaa baaris ku haaya shirkad uu iska leeyahay Lionel Messi taas oo ka shaqaysa halkaas.

Warar laga helayo dalka Argentina ayaa sheegaya in baaris lagu bilaabay shirkad uu iska leeyahay Messi taas oo lagu soo eedeeyay wax yaabo hareer marsan sharciga dhaqaalaha ee u dagan dalkaas.

Shaqsi aan la sheegin magaciisa ayaa warqad u qoray booliiska, wuxuuna u sheegay in shirkada Messi uu bangiga u dhigay lacag balse la diiwaan galiyay lacagtii uu dhigay mid ka badan.

Shirkada ayaa looga shakisan yahay inay la shaqayso qolooyinka lacagta dhaqa taas oo ay ku mutaysan karto ganaax aad u culus, maalmaha soo socda ayaa go’aan kama danbays ah laga filayaa maxkamada.

Waa markii labaad oo eedeyntaan oo kale loo jeedinayo shirkada Messi, sanadkii 2016 ayaa isla eedeyntaan oo kale loo jeediyay, laakiin dacwada ayaa la hakiyay kadib markii la waayay wax cadaymo ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close