WAR WEYN OO LA SII DAYEY: Maxaa ka soo kordhay arimaha Neymar iyo Madrid?

(Madrid) 15 Mar 2018. Saaxafadda dalka Brazil ayaa warisay kulan dhexmaray Neymar aabihiis iyo madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez.

Ogow…Neymar waxaa u wakiil ah aabihiis.

Waxaa la sheegay in Neymar Sr ama Neymar weyne cadeeyey in wiilkiisa mustaqabal ku leeahay Paris Saint-Germain laakiin waxaa la qabaa in kulanka uu Madrid la yeeshay kaddib sidaas yiri.

Majaladda UOL oo laga leeyahay Brazil ayaa warisay in kulanku dhacay toddobaadkii hore oo hadda laga sheqeenayo qaabkii heshiisku ku dhici lahaa.

Hase ahaatee, waxaa la aaminsan yahay in ay aad u adkaan doonto in PSG laga wato xiddigeeda halka dhaqaalaha ku lug lahaan doonana ay ka xaglin doonto Real Madrid.

Sidoo kale waxaa la baahiyey warar sheegaya in Florentino Perez oo dhammaan la xiriiray dadka matala Neymar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close